WAR DEG DEG: Bandow lagu soo rogay Mandera iyo Xaalada oo….

0

Dowladda Kenya ayaa goor dhow shaacaisay in Bandow ay ku soo rogtay Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Bandowgan ayaa la sheegay in uu bilaaban doono maanta saacadu marka ay tahay 06:00 maqribnimo, waxaana uu ku egyahay 27-ka Bisha December ee sanadkan.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya ayaa lagu sheegay warkan, waxaana dhamaan Ciidanka Kenya lagu amrya in ay u hogaansamaan amarkan Dowladda ka soo baxay.

Bandowgan ayaa waxaa laga reebay dadka xanuunsan ee u baahan in la geeyo goobaha caafimaad, ama dadka ay soo wajahaan xanuunada deg deg ah, kuwaas oo warqad codsi ah marka hore soo gudbin doona.

Ujeedka Bandowga loogu soo rogay Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa ah xaqiijinta amniga iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Shabaab.