WAR DEG DEG:- Ciidamada Puntland oo ku sii jeeda Qandala & Daacish oo…

0

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Qandala ayaa waxa ay sheeegayaan in halkaasi ay isaga baxeen kooxdii sheegatay in ay ka mid ahaayeen Kooxda Daacish, ee shalay la wareegay Degmada Qandala, kadib markii halkaas ay ku bexeen Ciidamada Puntland.

Calamadii ay kooxda Daacish sureen Magaalada Qandala ayaa la sheegay in laga siibay, kadib markii ay ka baxeen.

Lama sheegin meesha ay aadeen Daacishtii shalay la wareegtay Degmada Qandala ee Gboolka Bari.

Dadka Deegaanka ayaa bilaabay in ay ka barakacaan Degmada Qandala iyo Deegaanada ka akdhow, waxaan ay soo gaareen Degmooyin ka tirsan Gobolka Bari.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Degmada Qandala ku sii jeeda si ay Kooxda Daacish uga saaraan halkaas, Walloow hadda ay isaga bexeen.