WAR DEG DEG:- Galmudug oo Gaalkacyo ku soo bandhigtay Askar Jubbaland ah oo Ciidamada Puntland la socday

0

Taliska Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ee Gobolka Mudug ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay Maxaabiis ay sheegeen in ay ku qabteen Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Maxaabiista ay ku soo bandhigeen Magaalada Gaalkacyo Taliska Booliska Galmudug ayaa gaaraya Saddex Nin,waxaana ay sheegeen in Saddexda Nin ee ay soo bandhigeen ay ka mid yihiin Ciidamada Maamulka Jubbaland,kuwaas oo la qabtay iyagoo ka barbar dagaalamaya Ciidamada Puntland sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Galmudug.

Saddexda Maxbuus ee Galmudug ay ku soo bandhigtay Magaalada Gaalkacyo ayaa mid kamid waxaa uu qabaa Dhaawac ka soo gaaray Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo.

Ma jirto Illo Madax Banaan oo Xaqiijin kara Maxaabiista ay soo bandhigeen Galmudug in ay yihiin Ciidamada Jubbaland marka laga reebo sheegashada Maamulka Galmudug.