WAR DEG DEG:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Mooshin Xilka qaadis ah laga keenay

0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta Mooshin Xilka qaadis ah ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,waxaana Xildhibaanada Mooshinka  ku Saxiixan ay gaarayaan illaa iyo 34 Mudane.

Xildhibaanada Galmudug ee Muushinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa ku Eedeeyay Shaqo’ gudasho la’aan sida ay sheegeen.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay inuu Fasaxay Shaqdii Baarlamaanka islamarkaana Baarlamaanka Galmudug uusan Shaqo yeelan doonin ilaa 01/01/2017.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka uu Fasaxay,Maadaama Shaqooyin Adag oo Doorshooyinku ay kamid yihiin ay Galmudug u yaallaan.