WAR DEG DEG:- Madaxweynaha Puntland oo Goordhow gaaray Magaalada Carmo iyo Khilaafkii C/samad Maxamed Gallan oo la soo gaba gabeynayo

0

War hadda naga soo gaaray magaalada Carmo ee gobolka Bari ayaa sheegaya inuu goordhawayd halkaas gaaray madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hogaaminaya wafdi ballaaran oo ka tirsan Goleyaasha dawladda.

Ujeedka Safarka Madaxwaynaha ee Carmo ayaa Daarran sidii loo soo afjari lahaa khilaaf muddo soo taagnaa u dhexeeyay madaxwaynaha Puntland iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan oo faloogo hubaysan hogaaminaya, balse maanta lagu wado inuu heshiis nabadeed qaato.

Beesha uu Gallan ka dhashay ee Cali Saleebaan iyo Dawladda Puntland ayaa dhawaan heshiis ku gaaray in khilaafkaas kasoo afmeero, islamarkaasina miiska wada hadalka lasoo fariisiyo C/samad Gallan uuna ka warramo waxa ku kalifay inuu Faloogoobo oo maleeshiyaad hubaysan aruursado.

C/samad Gallan ayaa shalay isaguna Gaaray Carmo halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay, iyadoo intii uu gooni meerka ahaa uu tiro ka dhowr jeer Carmo tagey.