WAR DEG DEG:- Puntland oo Labo Sarkaal oo Caan Ah ku weysay Dagaalka ka Socda Gaalkacyo+AKHRISO MAGACYADA

0

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in Puntland ay dagaalkaasi ku weysay Labo sarkaal oo caan ah.

Saraakiishan ayaa magacyadooda naloogu kala sheegay Gaashaanle Axmed Mire iyo Sidoo kale Gaashaanle Dhexe Cali Axmed, kuwaasi oo hogggaaminayey dagaallada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka ciidanka Puntland.

Waxaa dagaalka uu yahay mid aad u xooggan, waxaana xilli walbo la filan karaa khasaare intaan ka badan, iyadoo xaaladda guud ee Gaalkacyo tahay mid cakiran.

Madaafiic xooggan ayeey Labada dhinac isku adeegsanayaan, iyadoo lasoo sheegayo in maanta magaalada oo dhan uu saameeyey dagaalkan,  islamarkaana weli la isku awood sheeganayo.