WAR DEG DEG:- Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan ayaa la sheegay in bartilmaameedkiisa uu ahaa kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM oo halkaasi marayay, balse Qaraxa ayaa dhacay markii kolonyadaasi ay gudbeen, waxaana ku dhaawacantay 2 Qof oo shacab ah.

Ciidanka Amaanka iyo Maamulka Degmada ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay soo qab qabteen Dad lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin falkaasi.

Maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay Qaraxyo, kuwaas oo lala bartilmaameedsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Ciidanka AMISOM.