DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Gaalkacyo iyo Waxa ka Cusub Saakay

0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay maanta tahay mid aad u xun , waxaana xalay magaalada ka baxay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa labada dhinac oo ay ka kala taliyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.

Shalay Gelinkii dambe ayaa magaalada waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday isbitaalada ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Wada hadaladii u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Wararkii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo:-