Xaaladda duurjoogta dunida oo laga dayrinayo

0

Warbixin walaac leh oo ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta ee WWF iyo ururka ilaalinta xawayaanka ee la yidhaa Zoological Society of London, ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 1970 ay boqolkiiba lixdan xawayaanka laf-dhabarleyda ahi ku baxeen gacanta aadanaha.

Warbixintu waxay sheegtay hadii sida wax u dhacayaan ay u sii socdaan, in isku dheeli tirka deegaanka ee nolosha oo dhami ku tiirsantahay uu meesha ka bixi doono.

Cilmi baadhayaashu waxay darseen oo baadheen xog laga soo ururiyey ku dhawaad afar kun oo nooc xawayaan kala ah shimbiro, kalluun, naasley, berri-biyood iyo xamaarato.