Xasan Sheekh Maxamuud oo Saakay Ku Wajahan Magaalada Jowhar

0

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa iney aadaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Xasan Sheekh ayaa magaaladaasi wuxuu uga qeybgali doonaa munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa.

Magaalada Jowhar waxaa sidoo kale ku wajahan mas’uuliyiin badan oo dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo sidoo kale xubno ka socda urur goboleedka IGAD.