DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo amaanay Doorka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Shaaciyayna Sababta Dowladda Turkiga ay u taageereyso

0

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ammaanay Doorka Dowladda Turkiga ee ku aadan taageerada arimaha Somaliya, xilli Dowladda Turkiga ay muujisay kaalin weyn oo ku aadan sidii Somaliya ay uga taageeri laheyd arimaha Ammaanka, Caafimaadka iyo Waxbarashada Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay Turkiga inuu yahay Saaxiib Istaraatiiji ah oo Somaliya u fidiyay gacan taageero oo muuqato, xilli aduunka intiisa kale uu Somaliya ka sii jeeday.

“Turkiga waa Saaxiib Istaraatiiji ah,  Xilli adduunka uu naga sii  jeedo ayuu nasoo aaday, Shacabka Somaliyed waxaa uu ixtiraam u hayaa Turkiga iyo Shacabkiisa”. Ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlay Wakaalada Wararka Anadol ee dalka Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtiga Xafiiskiisa shaqada uu ka dhamaaday, ayaa ah hada Musharax u taagan qabashada Hogaanka Somaliya mar kale, hadii uu ku guuleysto loolanka adag ee Doorashada uu u galaayo, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu musharax yahay, labaduba waxa ay hayaan Hantida Qaranka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-