Xiisad ka taagan Bariga gobolka Mudug iyo Warar aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo

0

Wararka naga soo gaaraya Bariga gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay ka taagan xiisad u dhaxeysa maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada ayaa lagu soo waramaya in ay gaareen ciidamo aad u farabadan  oo ka kala tagay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo.

Deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada ayaa laga dareemaya xiisad dagaal iyadoona deegaanadiisa dadkii kunoolaa ay iska carareen.

Cabdinuur oo ka mid ah dadka kunool deegaanka Jeexdin  ayaa yiri ” walaal waxaan dareemaynaa cabsi weyn oo ah inuu dagaal uu ka dhaco deegaanadeeda , maxaa yeelay waxaana dareemaynaa abaabul ay wadaan labada dhinac marka dadkii deganaa jeexdin iyo miyigeeda way guureen , xoolihii ayay la carareen” ayuu Yiri Cabdinuur oo ka mid ah dadka kunool deegaanada Jeexdin.

Dhawaan ayay aheyd markii  diyaarado dagaal ay duqeyn u geysteen saldhig ciidanka dowlad goboleed Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Jeexdin ee bariga gobolka Mudug.

Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan