Xildhibaan Afaraale: ” Ciidamada Soomaalida Tayo malahan haddii kuwa AMISOM ka baxaan deegaanada iyagu ma sii difaaci karaan”.

0

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee Gobolka Bakool.

Mudane Afaraale ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay si lama filaan ah uga baxeen Gobolka Bakol maadaama aysam war gelinin maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada Gobolkaasi Bakool

Waxaana uu tallaabadaasi sheegay in ay tahay mid sababtay dayacaad Amni maadaama markii hore Ciidamada Ethiopia iyagu ay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in ay kala shaqeynayaan Ammaanka loona xil saaray Nabad gelyada deegaanada qaar ee dalka.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale in ay ugu wacantahay in mar weliba ay ka baxaan gacan ku heynta dowladda deegaanada Gobollada dalka Ciidamada dowladda oo aan tayo  lahayn waxaan uu hoosta ka xariiqay in waxkasta oo Ciidamada Soomaaliyeed loogu tala galay ay u soo maraan kuwa AMISOM.

Sidaas daraadeed ayuu cod dheer ku sheegay in Ciidaamda dowladda aysan awood u lahayn in ay difaacaan deegaanada marka ay ka baxaan kuwa AMISOM waxaana uu shaaca ka qaaday in haatan dowladdu go’aansatay  in Ciidamada Soomaaliyeed la tayeeyo islamarkaana wixii haatan ka dambeeyo ay Ciidamada dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada oo iskaashanaya ay hantaan Ammaanka deegaanada iyo degmooyinka Gobollada dalka.

Ciidamada Ethiopia ayaa indhawaanahaan isaga baxayay qaar ka mid ah deegaanno iyo degmooyin dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyadoona dowladda Ethiopia ka bixitaankeeda goobahaas ku micneysay kadib markii ay wax taageero ah ka waayeen Beesha Caalamka.