XOG CUSUB:- Mareykanka oo faro‐gelin ku sameeyey dagaalka Gaalkacyo

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ku qaabilay Danjiraha Dowlada Mareykanka u fadhiya Somalia Mr Stephen Schwartz iyo Xubno kale oo ka tirsan Safaarada.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana looga wadahadlay arrimo ay kamid yihiin Duqeyntii ka dhacday Gaalkacyo ee lagu xasuuqay ciidamada iyo Dagaalka hadda ka socda qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo oo ay qeybta ka yihiin ciidamada C/kariin Gulleed.

Mr Stephen Schwartz, ayaa C/kariin Gulleed ka dalbaday inuu qaboojiyo colaada ay horseedayaan Ciidamada maamulkiisa, waxa uuna cadeeyay in Mareykanku uu walaac gaara ka muujinaayo colaada taagan.

Mr Stephen Schwartz, waxa uu sheegay in Dowlada Mareykanka ay ku baaqeyso hakinta Dagaalka waxa uuna Danjiruhu cadeeyay in talaabo ay qaadi doonaan waa haddii aan la qaboojin dagaalka socda.

Stephen waxa uu sheegay in lagu guda jiro xili dalka uu ka soconaayo Doorashooyin, sidaa darteedna aysan aqbali karin in dagaalka uu sii socdo.

C/kariin Gulleed waxa uu Mr Stephen Schwartz u sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay qaboojinta Colaada taagan iyo in Gobolka lagu wada Noolaado iyadoo aan laga weecaneynin Nabadda.

Gulleed waxa uu sidoo kale sheeegay in Galmudug ay goor hore ku baaqday qaboojinta dagaalka balse Puntland ay si cad u diiday inay hakiso rasaasta dhaceysa.

 

Stephen waxa uu sheegay in Dagaalkaani ay sidoo kale kala hadli doonaan Puntland, balse ay hadda u baahan yihiin si Galmudug ay aqbasho.

Dhinaca kale, C/kariin Guuleed ayaa soo dhaweeyay hakinta Dagaalka waxa uuna Mr Stephen u ballanqaaday in si dhaqsi ah ay ku joojin doonaan Dagaalka.