XOG:- Qorshaha ugu weyn ay Daacishta Somalia u qabsatay Qandala oo la ogaaday

0

­Sida aan horayba u sheegnay waxaa magaalada Qandala ee gobalka Bari si buuxda ula wareegay Dagaalyahaano uu Hoggaaminaayo Hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulqaadir Muumin.

Dagaalyahaanadaani ayaa inta badan kala xirxiray magaalada waxaana jira warar sheegaya in qorshahooda ugu weyn uu yahay in halkaasi ay kala soo degaan Doonyo iyaga u raran.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Muumin Qandala u tagay si uu halkaasi uga hormaro doonyo la sheegay inay uga imaanayaan Daacishta ku sugan dalka Yemen, kuwaasi oo la filayo inay kasoo

degaan nawaaxiga xeebta Qandala.

Doonyaha usoo raran Daacishta Somalia ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa laba Doonyo nooca qumaatiga u dhaqaaqa kuwaasi oo sida Agab Millitery iyo Raashiin.

Doonyaha ayaa sidoo kale la sheegay inay la socdaan Tirro Saraakiil iyo Dagaalyahaano ka tirsan Daacish kuwaasi oo ka howlgali doona Deegaanada Puntland.

Daacishta Somalia ayaa sidoo kale isku faafisay nawaaxiga xeebta Qandala si ay u adkeeyaan amaanka maadaama ay suuragal tahay inay la kulmaan dagaal iyo weerar lagu carqaladeynaayo Rarka usoo socda.

Arrintan ayaa sidoo kale lagu soo beegay xili Dowlada Puntland ay culeys militari saartay Kooxda Al Shabaab ee ku sugan buuraha Galgala iyo waliba gobalka Mudug.

Dowlada Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhaq dhaqaaqa uu Muumin ka wado nawaaxiga degmada Qandala ee gobalka Bari.