XOG RASMI AH:- Kulan Xasaasi ah oo ay isugu imaan doonaan Baarlamaanka Puntland iyo Madax ka qeyb galeysa

0

Warar hoose oo warbaahintu ayaa sheegaya in mudanayaasha barlamaanka Puntland ay yeelan doonaan kalfadhi xasaasi ah oo ay ka qaybgeli doonaan madaxda ugu saraysa dowladda Puntland.

Puntlandnews.net ayaa waxaa ilo wareedyo u sheegeen in kalfadhigaasi looga arrinsan doono colaada magaalada Galkacyo, kaalinta dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo xiriirka Puntland iyo DFS.

Shacabka kunool Puntland ayaa siweyn ugu dhiiran in Puntland ay ka fiirsato xiriirka dowladda federalka ah ee Soomaaliya haddii aysan cadayn mowqifkeeda dagaalka Galkacyo kadib markii hubkeedii iyo ciidankeedi dagaalka lagu qabtay.

Qodobada kale ee kalfadhiga looga hadlayo waxaa kamid ahaan doona arrimaha dagaalka Gaalkacyo, Dhaqaalaha oo aad loo hadal hayo iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka oo muhiimad weyn uugu fadhiya Puntland.