XOG RASMI AH:- Tiro Ajaaniib ah oo Maanta laga dhoofinayo Magaalada Gaalkacyo

0

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xalay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay sii daayeen 29 qof oo u dhashay badankooda dalka Shiinaha.

Kooxaha burcadbadeeda ayaa qaatay lacag madax furasho ah oo aad u farabadan sida ay sheegeen Qaar ka mid ah dadka kunool deegaanada ay dadkaan kasoo daayeen kooxaha burcad badeeda.

Dadka ayaa la sheegaya in lagu haysteen deegaano ku yaalla gobolka Mudug , waxaana burcadbadeeda ay dadkaan heystaan tan iyo sanadkii 2012 .

Cabdinur nin ku sheegay Magaciisa ayaa Risaala u sheegay in uu ka mid yahay dadka qaatay Madax furashada , waxaana uu sheegay intii ay gacanta ku hayeen dadkaan in ay dhinteen Qaarkood.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in maanta lagu wado in dadkaasi laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Oshaako ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.