XOG XASAASI AH:- Xiriirkii ka dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli Gaas oo xumaaday

0

Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa xaqiijiyay in dib uu u xumaaday xiriirka Xassan Sheekh iyo Gaas.

Wararku waxa ay sheegayaan in xumaanshiyaha xiriirka labada mas’uul uu yahay mid salka ku haya Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo.

Isku dhaca labada mas’uul ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xassan uu xiriir dhanka Telefoonka ah la sameeyay Madaxweynaha maamulka Puntland, waxa ayna halkaasi uga wada hadleen Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xassan ayaa C/wali Gaas uga digay inuu ololiyo colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxa uuna u cadeeyay in dagaalkaasi aysan lug ku laheyn Dowlada Somalia iyo Ciidamada Xooga.

Xassan Sheekh waxa uu Gaas u cadeeyay inay aad uga xunyihiin dagaalka balse Puntland qudheeda aysan daacad u aheyn in dagaalka xal laga gaaro.

C/wali Gaas waxa uu mar kale Madaxweynaha Telefoonka ugu cadeeyay in Dowlada Somalia ay mas’uul ka tahay waxa ka socda magaalada Gaalkacyo, waxa uuna sidoo kale dhagtiisa ku dhibciyay in ciidamada dagaalamaaya ay ku jiraan kuwa Dowlada.

Khilaafyada Xassan iyo Gaas ayaa qeyb ka ah Colaadaha ka aloosan magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madaxweynaha Puntland oo sababta ugu badan ee dagaalka uu yahay.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mashruuc la doonaayo inuu sii socdo mudada dalka uu ku jiro Doorashada.