Yuusuf Garaad oo Warbixin Cajiib ah ka diyaariyay Kacaanka

0

Dunidu caddaan iyo madow keliya ma aha ee midabbo badan oo kale ayaa u dhexeeya. Qof kasta oo xil qabtayna xumaan iyo samaanba wuu yeelan karaa, labadabana wuu yeelan karaa xilliyo kala duwan.

Maanta waa 21-ka Oktoobar. Waa maalintii 1969 saraakiil ciidan ahi ay xoog kula wareegeen siyaasadda dalka Soomaaliya. Waxay isku magacaabeen Dowlad Kacaan ah.

Wax badan oo khaladdaad iyo dembiyo culus ah ayuu galay Kacaanku.

Khaladka ugu weyni malahayga waxa uu ahaa kii ugu horreeyay oo ah in Baarlamaan shacabku doortay la qabqabto, anshaxa ciidanka lagu xa gudbo oo awoodda dalka sidaa lagula wareego.

Dhanka kale, Kacaanku wuxuu dalka ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo badan.

Jeclow ma nac, Kacaanku wuxuu go’aan ka gaaray arrimo badan oo aayaha dadkeenna iyo dalkeenna saameyn fog ku yeeshay. Warka laga hayaana wuxuu u badan yahay war aan qofka sheegayaa aanuu u hayn wax daliil ah oo uu ku caddeyn karo. Weliba wararka qaar laga hayo kacaanku wey is khilaafsan yihiin. Qaarkoodna waxaa la hubaa in ay been yihiin loogu talo galay in dad lagu kiciyo, niyadda loogu dhiso, lagu beri yeelo shakhsi ama qof loogu abuuro godob aan sal lahayn.

In badan oo ka mid ah Howlwadeennadii Kacaanka iyo weliba qaar ka mid ah saraakiishii awoodda la wareegay ayaa maanta nool.

Waxaan ka codsanayaa kuna dhiirri gelinayaa in ay ummadda Soomaaliyeed u reebaan taariikh run ah oo qoran. Qoraalku haddii uu cuslaado waxaa ka sahlan raadreeb maqal iyo muuqaal ah. Iyadana waxaa ka sahlan kana jaban markhaati cod keliya ah.

Xataa qofka qoraalku uu ku culus yahay waxaa suurta gal ah in gacan laga siiyo haddii uu xog muhiim ah hayo.

Waxaan hubaa in keydka dalka oo intiisa badan uu raacay buburkiiin ay aad u soo kabi lahayd rallaabadani. Waxaa laga yaabaa in shakhsiyaad khalad laga fahamsan yahay laga qanci lahaa marka kaalintooda dhabta ah la ogaado.

Waxaan aqaan howlwadeenno hore oo raba in ay wax qoraan, laakiin is leh xilligeedii lama gaarin. Ogow, runta xilligeedu waa hadda iyo had kasta. Ogow, mustaqbalka aad hubtaa waa maanta.

W/Q: Yusuf Garaad