Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ku kulmay Magaalada Dubai ee xarunta Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay gaareen Heshiis hordhac ah, kaas oo ku aadan colaadii Gaalkacyo.
Kulanka ay heshiiska ku gaareen Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka, Xubno ka ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada.
Labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka ka taagan Magaalada Gaalkacyo oo ay dad badan ku dhinteen, sidoo kalena ay ku barakaceen.
Dowladda Imaaraadka Carabta, Masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa soo dhaweeyay Heshiiska ay wada gaareen Maamullada Puntland iyo Galmudug.