Afhayeenka gudiga hirgalinta doorashooyinka heer dawlad goboleedka Galmudug, Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in 2-da bishan oo maanta ku began ay bilaabayaan diiwaan galinta musharixiinta ku loomamaya kuraasta aqalka hoose ee Baarlamanka.
Waxa uu sheegay Musharaxiinta Aqalka hoose inay isdiiwaangelinayaan si howlaha la xiriira Doorashooyinka loo guda galo.
Afhayeenka oo magaalada Cadaado kula hadlay qeybaha saxaafadda ayaa sheegay in ay diiwaan galiyeen ilaa 969-Ergo oo dooran doona 19-Xildhibaan oo ka mid noqon doona Baarlamanka Federaalka,isagoo intaa raaciyay in ay bilaabayaan sameynta kaararka aqoonsiga ee ergada.
Afhayeenka guddiga hirgalinta doorashooyinka ee dawlad goboleedka Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ,ayaa sheegay in guddigaasi ay u qabsoomeen howlo badan oo ka mid ah kuwa loo idmaday,isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in ay si degdeg ah u soo afjaraan kaalintooda.
Hoos ka Dhageyso Codka:-