Shalay ayay ahayd markii uu dagaal salka ku haya aanooyin qabiil uu ka dhacay magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galguduud.
Xildhiban Bile Salaad Diini oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo wareeysi siiyay idaacada Shabeelle ayaa sheegay inay Ciidamado ku soo wajahan yihiin Degmada Caabudwaaq kuwaasi oo uu sheegay inay Taageero Ciidan u yihiin mid ka mid ah sadexda Beelood ee ku Dagaalamay Degmada Caabudwaaq.
Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa ka digay inay Dagaalada sii socdaan islamarkaana Madaxda Galmudug qaar ka mid ah ay ka qeyb galaan Hurinta Dagaal Beeleedka dhiiga ku daatay, sidoo kalena Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay wasaarada Gaashaandhiga inay qayb ka tahay ciidamadan loo diray magaalada Caabudwaaq.