Qaraxan oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa Jimcihii ka dhacay afaafka hore saldhig boolis oo ku yaala Magaalada Koonfurta Turkiga ku taala.
Waxaa la xaqiijiyay dhimashada sideed ruux iyo dhaawaca tiro ka badan boqol kale. Dadka dhaawacmay waxaa qaarkood soo gaaray dhaawacyo halis.
Ururka Daacish oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa gil gilay Magaalada Diyarbakir, oo ay ku badan yihiin dadka Kurdiyiinta.
Qaraxan waxaa uu yimid saacado ka dib, markii Dowladda Turkiga ay xabsiga u taxaabtay Xildhibaano ka tirsan Xisbiga HDP, oo ah midka saddexaad ee ugu ballaaran Baarlamaanka Turkiga.
Tallaabada lagu xiray Xildhibaanada, ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii ay ka horyimaadeen inay ka jawaabaan su’aalaha Xeer Ilaaliyaha, oo ku saabsan xiriir la sheegay inay la leeyihiin Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga ee PKK.
Wasiirka Garsoorka Turkiga, Bekir Bozdağ, ayaa sheegay in xubnahaasi la xir xiray, ka gadaal markii ay ka horyimaadeen in su’aalo laga weydiiyo, eedeymaha ku aadan inay xiriir la leeyihiin PKK.
Wadamada Reer Galbeedka, ayaa walaac ka muujiyay xariga laba iyo toban ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga HDP, oo ay ku jiraan hogaamiye-yaasha Xisbigaasi.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:-