Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo sugaya amaanka goobaha doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen ciidamo fara badan oo si gaar ah u tababaran kuwaasi oo lagu wareejin doono amaanka goobaha doorashooyinka ee Puntland ka dhacaya.
Waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan iney ku guuleystaan in si nabad galyo ah ay ku dhacaan doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka dhaceysa Magaalada Garoowe.
Waxa uu tilmaamay in iminka Puntland ay dagaal ku jirta isla markaana ay dooneyso caqabad amni oo soo food saarta xilliga ay dhaceyso doorashada aqalka Hoose.
Hoos ka Dhageyso Codka:-