Qaar kamid ah Culumaa’udiinka, Waxgaradka, Ururada Bulshada Rayidka Sida Dhalinyarada iyo Hooyooyinka iyo Qaybo kale oo ka mid ah Bulshada Caabudwaaq ayaa u istaagay in ay Bilaabaan Waan-Waan Nabad oo ay ugu kala dab qaaday Beelihii Maalmo kahor Maleeshiyaadkooda ay ku dagaalameen Magaalada Caabudwaaq.
Dhinacyadaan Nabadda u istaagay ayaa saacadihii Lasoo dhaafay waxay Kulamo Gooni Gooni ah la qaadanayeen Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha Reer Dalal iyo Horaarsame oo dhawaan Xurguf Dagaal ku dhexmartay Magaalada Caabudwaaq.
Mid kamid ah Culumaa’udiinkii u istaagay Xal Raadinta oo lagu Magacaabo CabdiXakiin Sanwayne ayaa sheegay in ay ku guulesteen wejigii 1aad ee Nabadaynta Beelaha isla markaana dadkii ay la Kulmeen ay la qaateen Nabad.
Waxa uu sidoo kale sheegay in wali ay socdaan qorshayaal kale oo lagu doonayo in Odayaasha labada Dhinac la isku soo hor Fadhiisiyo si loo soo afjaro Dhamaanba Colaada iyo Mugdiga udhaxeeya Labada Dhinac.