Dib u dhac ayaa ku yimid Khudbado Jeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle, oo maanta la filaayay inay Baarlamaanka ka hor jeediyaan Khudbadahooda.
Dib udhacaan ayaa la sheegay inuu sabab u yahay muran ka taagan qaabka loo qaybsaday Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle.
Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahin ayaa si kooban u sheegay ilaa la xaliyo Khilaafka ka taagan Qaybsiga Kuraasta Aqalka sare inaan la dhageysan doonin Khudbadaha Musharaxiinta.
Maamulka Hirshabelle ayaa Qaybsiga Kuraasta Aqalka sare ee dalka waxa ay ka helaan 8 xubnod, iyadoo maalmo ka hor lagu dhawaaqay Musharaxiinta u tartami doonta Kuraastaan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-