Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya inay howlgal ka wadaan duleedka Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay heleen xogo ku aadan in Xubno Shabaab ka tirsan ay ku soo dhawaadeen Magaalada Baledweyne.
Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya qaybahooda kala duwan inay wadaan howlgalkaan, wuxuuna ka socda xoogiisa duleedka dhanka Galbeed ee Baledweyne.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa Dhacdo.com u sheegay in howlgalka uu socdo, islamarkaana ay faah-faahin ka bixin doonaan.
Deeganada Galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa la sheegay xalay inay soo galeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo qorsheynaya qaadista weeraro ka dhan ah Magaalada Baledweyne.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan, ayaa dhawaan sheegay inay sugayaan ammaanka Magaalada Baledweyne iyo deeganada ku xeeran si ciidamada Shabaab aysan falal lidi ku ah dhanka ammaanka aysan u fulin.
Howlgalkaan ayaa la tilmaamayaa inay qayb ka yihiin ciidamada Amisom ee Baledweyne ku sugan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-