DHAGEYSO:- Shariif Xasan oo Beydhabo kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Munsaabad ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Munsaabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Haween iyo xubno kale, waxaana uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne.

Qaar ka mid ah Dadweynihii ka soo qeyb galay Munaasabadan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Shariif Xasan uu u qalmo qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya 2016 ilaa 2020-ka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhankiisa hadal kooban ka jeediyay Munaasabada ayaa waxa uu sheegay in wax badan uu dalka u qaban doono hadii uu ku guuleysto qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

14908243_215139815583969_1084667594619339024_n 14915345_215139775583973_5206683503595655682_n 14947698_215139798917304_1259520251421325857_n