Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa Maanta gaaray Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa Jawaari iyo Wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Ujeeda uu u gaaray Baydhabo ayaa lagu sheegay in ay tahay xaqiijinta doorashada Aqalka Hoose oo dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga dareemaya diyaar garow xoogan oo ku aadan doorashada xubaha Aqalka Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed u matalaya dowladda Soomaaliya.