Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf xusen Jimcaale Madaale ayaa Boqolkun oo dollar ku wareejiyay maamulka Degmada Hodan iyo Gudigii ka shaqeeyay dib udhiska lagu sameeyay Wadad 26-ka Juun ee isku xirta isgoysyada Kaasa bobolaare iyo Shaqaalaha ee Degmada asi.
Guddoomiyaha Gobalka ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxa uu xusay in lacagahaasi aysan ka imaan gacan shisheeye ,isla markaana dib u dhiska lagu sameeyay waddooyinka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo loo adeegsaday qarashaadka laga qaaday muwaadiniinta Soomaliyed.
Hoos ka Dhageyso Codka:-