Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa saakay xaaladeeda waxa ay tahay mid degan, kadib markii xalay Magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen Rasaas goos goos ah iyo Tiro Hoobiyeyaal ah.
Ciidamada Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa weli isku hor fadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxana xalay dhexmaray Dagaal kooban.
Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in saakay xaaladu ay tahay mid degan, inkastoo weli Ciidamadii dagaalamay ay is hor fadhiyaan.
Maalinta beri ah ayaa la filayaa in Magaalada Gaalkacyo ay isugu yimaadaan Madaxda Galmudug iyo Puntland iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, si looga wada hadlo colaada ka taagan Gaalkacyo.