WAR DEG DEG:- Wasiir Fargeeti oo waayay kursigii Baarlamaanka

0

Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan fargeeti ayaa waayay kursiga Xildhibaanimada Baarlamaanka cusub ee soo socda, kadib markii looga adkaaday Doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya Doorasho maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo in looga adkaaday Wasiir Fargeeti.

Maxamed Aadan fargeeti Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa helay codad gaaraya 25, halka Maxamuud Macalin Yaxye oo ah xildhibaanka ka guuleystay Wasiirka uu helay 26 cod.

Ergada Doorashada ayaa ah 51 Ergo, waxaana Doorashada maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ay aheyd mid xiiso badan.