Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka Degmada Balanbale ugu Magacaaban Galmudug C/risaaq Axmed Xalane oo Waraysi Gaar ah siinayay Shabakadda Allgalgaduud Media aya been Abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidamada Galmudug ay qayb ka ahaayeen Dagaaladii shalay ka dhacay Deegaanka Yoocale oo ku yaal inta udhaxaysa Balanbale iyo Xeraale.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa Galmudug ugu baaqay in ay soo kala dhex gasho beelaha Dagaalamay isla markaana ay ufidso Gogol Nabadeed, waxaana uu qabaa;ilka is haya iyana ugu baaqay in ay ka waantoobaan Dagaalka maadaama uusan faaiido lahayn Waxa uu uwaramay Wariyaheena Cumar Laki Man.