Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo horay u soo qabtay xilka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa maanta ku guuleystay doorashada Xildhibaannimada Aqalka Hoose, kaddib markii Musharaxii la tartamayay uu tanaasulay.
Doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday Kismaayo ayaa aheyd wajigii afaraad, iyadoo la soo gaba gabeeyay, waxaana maanta la doortay illaa shan xubnood oo uu ku jiro Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.
Prof. Gaandi oo horay ugu fashilmay inuu ku soo baxo Kursiga Aqalka Sare oo bishii la soo dhaafay looga guuleystay, kaasoo ay codeynayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbland.
Hase ahaatee doorashadii aqalka Hoose ayuu si aqlabiyad leh ugu guuleystay, kaddib markii uu helay 50-cod oo ahaa ergadii wax dooraneysay.
Guddiga doorashada dadban ayaa horay uga soo baxay in aanu aqalka hoose u tartami karin Musharax looga guuleystay aqalka sare, si fursad loo siiyo beelaha kale.
Dhinaca kale afarta xubnood kale ee loo doortay aqalka Hoose ayaa waxay magacyadooda kala ahaayeen sidan:
- 1. Xaawo Maxamed Aadan
- Isaaq Aadan Xasan
- Maxamed Aadan Macallin
- 4. Maxamed Xasan Idiris.
Ka hor doorashadii aqalka hoose ee maanta ayaa waxaa xarunta ay ka dhaceysay doorashada muddo kooban la wareegay Ciidamo gadoodsan, waxaana dadaalo ay sameeyeen Mas’uuliyiinta Jubbaland lagu guuleystay in ciidamada laga saaro xarunta.