Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug ayaa lagu eedeeyay in ay fara gelin ku hayaan Hanaanka Ergooyinka ay u soo dooranayaan xubnaha Aqalka Hoose, waxaana sidoo kale Guddigan lagu eedeeyay in ay fara gelin ku hayaan habka Beelaha Ergooyinka ay u kala qeyb sanayaan.
C/qaadir Qooreey oo ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka ay u xaglinayaan shaqsiyaad gaar ah, kuwaasi oo dabada ka riixaya dad kale oo aan u dhalan Beelaha Gobolka dega.
Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo Idaacadda Risaala ay la xiriirtay si aan wax uga weydiino eedeymaha loo jeediyay ayaan suuragelin, hayeeshee mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay cabshooyin kala duwan oo ay jeedinayaan Beelaha Soomaaliyeed.
Hoos ka Dhageyso Codka:-