Afhayeenka Ciidamada AMISOM Jeo Kibet ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay kala baxeyso Soomaaliya Ciidamada ka jooga ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.
Afhayeenka ayaa sheegay in Arrintaas ah in Itoobiya ay Ciidamada AMISOM uga jira kala baxeyso ay u keeni karto Niyad Jab iyo in dib looga laabto Qorsheyaal ay AMISOM Dajisay oo ku aadan la dagaalamka Al-shabaab.
Dowladda Itoobiya ayaa Ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya kala baxday Degaano ka mid ah Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya,waxaana Goobahaas la wareegay Al-shabaab.
Dowladda Itoobiya waxaa ay ku sheegtay Talaabada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay ugala baxday dhaqaallo yari uga timid Dadlalkii bixin jiray Lacagaha la siiyo Ciidamada Itoobiya.