Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ka bilaabatay Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Hirshabeelle, waxaana lagu doortay 5 xildhibaan, iyadoo markii hore uu qorshahu ahaa in maanta la doorto 13 xildhibaan.
Doorashadan ayaa aheyd mid aad u xiiso badan, maadaama wajigeeda koowaad ay ka soo muuqdeen siyaasiyiin caan ah iyo xubno hada Dowladda Federaalka ka tirsan.
Xildhibaanada la shaaciyay guushooda Doorashada, ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Faarax Sheekh C/qaadir, Khadiijo Maxamed Diiriye, Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono), iyo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Guud ahaa Gobolada dalka Soomaaliya waxaa ka soconaya Doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo la fillayo in intooda badan la soo gaba gabeeyo bishan November.