Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ku guuleysatay inuu ka mid noqdo Xildhibaanada Cusub ee baarlamaanka soo socda ee ka imaanaya deegaanada maamulka Hirshabeelle.
Faarax Sheekh C/qaadir ayaa la tartamaayay Cismaan Axmed Maxamed, waxa uuna Faarax Sheekh C/qaadir helay 50 Cod, halka Musharaxa kale uu helay 1 Cod.
Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ah shaqsi aad ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu yahay mid saaxiib la ah.