Magaalada Caabud-waaq ee Gobollka Galgaduud waxaa ka dhacayay maalmahan Dagaal beeleedyo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Maamulka Caabud-waaq ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan qorshe hubka looga dhigayo dhincyada dagaal beeleedka ka wada Magaalada Caabud-waaq.
Muuse Maxamed Axmed (Inji) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay hub ka dhigis in lagu sameyn doono dadka ku nool Caabud-waaq si looga baaqsado Dagaal beeleedyada ka dhaca Magaaladaasi.
Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud Muuse Maxamed Axmed (Inji) ayaa waxa uu sheegay hubka ay heystaan dadka Degaanka in uu ka badan yahay midka uu heysto Maamulka Degmada.
HALKAAN KA DHAGEYSO