DHAGEYSO:- Wafdi ka socda QM oo gaaray Magaalada Baydhabo

0

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Koonfur Galbeed .

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Wafdiga waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Ujeedada wafdiga ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa iney la xiriirto arimaha doorashooyinka ee ka dhacaya magaalada Baydhabo iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-