Gudoomiyihii Hore ee maamulka Gobolka Banaadir ahna Musharax Madaxweyne Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in loo diiday in uu u tartamo xubinimada ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya .
Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Musuq maasuq baahsan uu ka dhex jiro doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya.
“Waxaa la ii diiday inaan u tartamo kursiga Xildhibaannimo si fudud ah, kaddib markii Ugaaska Beesheyda uu lacag fiican ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh”ayuu yiri Tarsan.
Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku doodaaya in doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka socota qaar ka mid ah Caasimadaha maamul goboleedyada ay ka jiraan Musuq maasuq xoogan.