Boqolaal ruux oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ayaa saaka isugu soo baxay salaad roobdoon ah iyagoo Eebe ka baryay roob raxmad leh.
Salaada Roobdoonka ayaa lagu tukaday meel fagaare ah halkaasoo culumaa ‘udiin,ganacsato,arday iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada Jowhar ay ka qeybgaleen salaada roobdoonka.
Markii la tukaday salaada ayaa waxaa halkaas qudbado isugu jira ducooyin alle looga baryayo in uu kuleelka ka qaado ummada ka soo jeediyay qaar kamid ah culumaa’udiinka ka qeybgashay salaada roobdoonka ah.
Salaada roobdoonka ah ayaa waxaa ka hadlay duqa magaalada Jowhar Shiikh Saalax Muudey Cali iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Jowhar Xasan Barrow Bocor waxayna shacabka magaalada Jowhar ugu baaqeen inay is cafiyaan Allana u soo noqdaan.
Culumaa’udiinka magaalada Jowhar ayaa toddobaadkan ka hadlay kuleylka iyo roob yarida waxayna ugu baaqeen shacabka in Alle loo noqdo muddo sadde cisha ahna la soomo.
Guud ahaan goobaha waxbarashada magaalada Jowhar ayaa maanta ardayda laga fasaxay iyadoo arday badan ay ka mid ahaayeen dadkii wax ka tukaday salaada Roobdoonka.
Hoos ka Daawo Sawirada:-