Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa maanta tagay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle .
Wafdi oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka Abukaate Cumar Cabdulle Dhagey ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Taliyeyaasha Nabad Suggida iyo Booliska.
Wafdiga waxaa magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.
Ujeedada wafdiga ee magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa iney la xiriirto arimaha doorashooyinka ka socda magaalada Jowhar iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Hoos ka Daawo Sawirada:-