DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Hantida shacabka aan Xoog lagu heysan karin

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Maanta Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Axmed Abuukar Axmed ku Wareejiyay furaha guri uu ku lahaa Degmada Shibis oo muddo ka badan 20 Sano Xoog loogu heystay.

Guriga ayaa waxaa la sheegay in ay sanadihii dambe deganaayeen Rag hubeysan oo diiday in ay guriga ka guuraan kuna wareejiyaan cida guriga iska leh.

Axmed Muumin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Degmada Shibis ayaa warbaahinta u sharaxay dadaalka ay u galeen in gurigaan laga saaro Ragii deganaa ee la sheegay in ay xoog ku heysteen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in hantida Shacabka Xoog lagu heysto isla markaana aysan dhici doonin in xoog lagu heysto guryaha ay leeyihiin dadka shacabka ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-