Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Guddiga Doorashooyinka dadban ee Maamulka Jubbaland uu dib u dhigay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa sheegay in la Hakiyay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Maamulka Jubbaland islamarkaana uu jiro Cabasho ay qabaan qaar kamid ah Beelaha Dega Gobolada Jubbooyinka.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Sababta loo Hakiyay Doorashada Aqalka Hoose ay tahay Cabsi laga qabo in lagu shubto Doorashada islamarkaana Hoolka Doorashada lagu xareeyay Ergo aan aheyn kuwa saxda ah.
Shalay ayey aheyd markii Hanti dhowraha Guud ee Soomaaliya uu sheegay in Doorashooyinka ka socda Maamul Goboleedyada lagu shubtay oo uu jiro Musuq Maasuq kii ugu xumaa sida uu hadalka u dhigay.