Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay heshiiska maalin ka hor ay wada gaareen Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland, kaasi oo ku aadan kala qaadista Ciidamadii kaga sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen la sameeyo Xad kala qeybiya halka ay ku sugan yihiin labada Ciidamada labada Maamul.
Kooxo caalami ah oo ka shaqeeya Xabad joojinta Magaalada Gaalkacyo oo hormuud ay ka tahay Urur Goboleedka IGAD islamarkaana taageero ka helaya Qaramada Midoobay ayaa la geeyay Magaalada Gaalkacyo.
Kooxdan ayaa la kulmi doona Madaxweyne-yaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland, si loo dhaqan geliyo heshiisyadii lagu soo celin la haa Nabada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Xubnaha ka socda Urur Goboleedka UGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegayaa in si dhow ay ug shaqeyn doonaan xaqiijinta heshiisyada ay wada galeen Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in xasilaani ay muhiim tahay islamarkaana loo baahan yahay Dadkii barakacay ay ku soo laabtaan Magaalad Gaalkacyo.
Sikastaba, Qaramada Midoobay, Ururada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in ay u istaageen la shaqeynada labada madaxweyne ee Maamulada Galmudug iyo Puntland, si bey yiraahdeen loo buuro kalsoonida labada Maamul.