Xasan Sheekh “Ma wada xalin karno cabashooyinka Doorashada ka soo yeeraya”

0

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Somaliya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegayaa in Dowlada ay ku dadaali doonto wax ka qabashada tabashooyinka ka yimid doorashadda dadban ee 2016-ka.

Madaxwayne Xasan waxa uu sheegay in ay ka war hayaan cabashooyin is daba joog ah oo ka imaanaya ergada ka qayb galeysa doorashooyinka ka socda magaalooyin badan oo dalka ah.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in si kasta oo arintu ahaato wax badan ay ka qabteen doorashadda dadban ee 2016-ka oo horay u dhacay dhibaatooyin u dhaceen.

Madaxweynaha uu waqtigiisa sii dhamaanayo oo ka hadlaya cabashooyinka is daba jooga ah oo ka imaanaayo ergada waxa uu yiri
“ Ma wada xallin karno boqolaalka mushkilado oo aan leenahay kulligood balse waa inaan dhahnaa waa kuwee kuwa ugu darran oo aan si deg deg ah aan u xalino.”

Madaxweyne xasan Sheikh ayaa waxa uu sheegay iney muhiim tahy in la hagaajiyo amniga oo ay tahy dhibaatooyinka ugu badan oo haatan ka jira dalka ,sidoo kale waxa uu intaasi ku sii daray in xallinta dhibaatooyinka sida ay ukala daranyihiin loo kala xaliyo mudnaanta la siiyo kuwa daran.

Maalmihii ugu dambeeyey waxay cabashooyin badan ay ka imaanayeen arrimaha la xariira doorashooyinka kuwaas inta badan ergada doorashada ka qeyb galaayo ay ka cabanayeen.