Dowladda Danmarka ayaa ku dhawaaqday in ay isaga baxeen howlgalka lagula dagaalamayo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.
Maraakiibta Dagaalka ee Dalka Danmarka ayaa howlgalka NATO waxuu ka taageerayay ka hortaga weerarada qorsheysan ee Burcad Badeeda.
Mas’uul ka tirsan Dowladda Danmarka ayaa shaaca ka qaaday in uu ku faraxsan yahay in door muhiim ah ay ka soo qaataan howlgalada lagu wiiqayay Kooxahaasi.
Ugu dambeyn, Ciidamada Badda ee Dalka Danmarka ayaa waday howlgalka ka dhanka ah Burcad Badeeda muddo ku dhow 9 Sano waxaana ay ku soo xireen ila iyo 295 Ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeeyay burcad badeednimo.