XOG:- Dowlad Shisheeye Oo La Wareegeysa Hargeysa

0

Waxaa socda qorshe maamulka Somaliland uu magaalada Hargeysa ugu wareejinayo dowladda Isku Tagga Imaaraadka Carabta oo hadda is faham ballaaran kala dhaxeeya maamulkaasi.

Imaaraadka ayaa la wareegi doonta Hargeysa, waxayna dhisi doontaa waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi, sidoo kalena biyo gelin ayeey ka sameyn doontaa Hargeysa.

Sidoo kale xogtu waxay sheegeysaa in gacsi ballaaran ay magaaladaasi ka sameysan doonaan, ayna keeni doonaan muwaadiniin dalkooda u dhashay si halkaasi uga shaqeeyaan.

Waxaa macquul ah in warshado sameeya Kiimikooyin ay ka dhisi doonaan buuraha dambe ee Hargeysa, taasi oo laga yaabo iney keento caafimaad daarro aad u baahsan.

Maamuka Siilaanyo ayaa heshiiskan si horudhac ah u saxiixay, waxaana sidoo kale saxiixi doona heshiiskan maamulka cusub ee imaanaya, iyadoo Imraadka muhiimad gaar ah u leedahay Hargeysa.