Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa lagu eedeeyay in uu fara gelin ku hayo Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.
Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Degaanada Maamulka Galmudug oo kulan yeeshay ayaa waxa ay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ku eedeeyeen in uu fara gelin ku haayo Doorashada Aqalka Hoose.
C/qaadir Qooreey oo ka mid ah siyaasyiinta ka soo jeeda Degnaada Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed waxa uu ku eedeeyay in fara gelin uu ku haayo Salaadiinta iyo Ergada soo dooraneysa xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaaneysa Degaanada Galmudug.
Dhowaan ayay aheyd markii Beesha Caalamka ay walaac ka muujisay Doorashada Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in hanjabaad, caga jugleyn iyo fara gelin toos ah lagu haayo Ergada iyo xubnaha ku lugta leh Doorashada Soomaaliya.